Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo

Directions

Xafiiska Maamulka Degmada  Shilaabo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo, Shilabo, Jijiga.

Hamballyo gudoomiyaha gobolka Qoraxey Mudane Shafi Muhumed Abdi
15/10/2026

Hamballyo gudoomiyaha gobolka Qoraxey Mudane Shafi Muhumed Abdi

Qabridahare: Waxaa xarunta gobolka Qoraxay ee magaalada Qabridahare ka furmay shirkii qiimaynta warbixinta waxqabadka ru...
14/10/2026

Qabridahare: Waxaa xarunta gobolka Qoraxay ee magaalada Qabridahare ka furmay shirkii qiimaynta warbixinta waxqabadka rubuca 1aad ee degmooyinka gobolka.
‎
‎Shirka oo ay ka qaybgaleen hoggaaminta gobolka iyo maamulada degmooyinka ayaa waxaa furay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Mudane Maxamed Cabdullaahi iyo Madaxa Arrimaha Siyaasada Xisbiga Barwaaqo Mudane Farxaan Ikhyaar, shirka qiimaynta ayaa lagu bilaabay soojeedinta warbixinta waxqabadka degmada Qabridahare iyadoo la qiimayn doono waxqabadka dhinacyada nabadgelyada, dakhliga, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, barnaamijka tabarucaadka iyo hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo.
‎
Qiimayntan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu ogaado heerka waxqabadka degmooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada aasaasiga ah, islamarkaana lagu dardargalin lahaa qorshayaasha horumarineed

Shirka Toddobaadlaha ah ee Nabadgelyada Degmada ShilaaboMaanta waxaa si heer sare ah noogu qabsoomay shirkii toddobaadla...
10/10/2026

Shirka Toddobaadlaha ah ee Nabadgelyada Degmada Shilaabo

Maanta waxaa si heer sare ah noogu qabsoomay shirkii toddobaadlaha ahaa ee nabadgelyada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee nabadgelyada magaalada Shilaabo iyo qabaleeyada hoos yimaada degmada.

Shirku wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad iyo go’aanno lagu xoojinayo nabadgelyada, laguna adkaynayo wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

Nabadgelyadu waa aasaaska horumarka iyo xasilloonida bulshada.

Dardargelinta Shaqada iyo Abaalmarinta ShaqaalahaMaamulka Degmada Shilaabo ayaa qabtay shir looga hadlay dardargelinta s...
26/09/2026

Dardargelinta Shaqada iyo Abaalmarinta Shaqaalaha

Maamulka Degmada Shilaabo ayaa qabtay shir looga hadlay dardargelinta shaqada, kor u qaadista waxqabadka iyo sidii shaqaaluhu uga soo dhalaali lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Shirka waxaa xoogga lagu saaray in shaqaaluhu si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana bulshada ugu adeegaan si wanaagsan.

Gabagabadii shirka, Maamulka Degmada Shilaabo ayaa shahaadooyin abaal-marin ah guddoonsiiyey shaqaalihii ku soo baxay shaqo wanaagga, dadaalka iyo waxqabadka muuqda, si loogu dhiirrigeliyo in ay sii wadaan dadaalkooda iyo adeegga wanaagsan ee bulshada.

“Shaqo wanaagsan waa masuuliyad, abaal-marintuna waa dhiirrigelin.

Kormeer iyo Dabagal Shaqo oo ka dhacay Degmada ShilaaboMaanta waxaa Degmada Shilaabo kormeer iyo taakulayn shaqo ku yimi...
25/09/2026

Kormeer iyo Dabagal Shaqo oo ka dhacay Degmada Shilaabo

Maanta waxaa Degmada Shilaabo kormeer iyo taakulayn shaqo ku yimid xafiisyo isku dhaf ah iyo xubno heer Gobol ah, kuwaas oo ujeeddadu ahayd dabagalka iyo dardargelinta barnaamijka ka bixista ku tiirsanaanta.

Intii uu kormeerku socday, waxaa sidoo kale la booqday bakhaarka kaydka raashinka ee degmada iyo beerta Dawacaale, si loo qiimeeyo xaaladda shaqo iyo wax-soo-saarka.

🌱 KA BIXIDDA KU-TIIRSANAANTA — ISKU-FILNAANSHO IYO SHAQO-ABUURMaanta Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo waxaa ka qabsoom...
24/09/2026

🌱 KA BIXIDDA KU-TIIRSANAANTA — ISKU-FILNAANSHO IYO SHAQO-ABUUR

Maanta Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo waxaa ka qabsoomay shir ay yeesheen Guddiga Ka Bixidda Ku-Tiirsanaanta, kaas oo looga hadlay sidii bulshada loogu dhiirrigelin lahaa wax-soo-saarka, isku-filnaanshaha iyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo-abuurka.

Waxaa muhiim ah in bulshadeennu ka faa’iidaysato fursadaha jira, kor u qaaddo wax-soo-saarkeeda, isla markaana ka qaybqaadato dhismaha nolol iyo dhaqaale waara.

Wax-soo-saar → Shaqo-abuur → Isku-filnaansho → Horumar.

DIGNIIN KU SAABSAN KHATARTA FATAHAADAHAXafiiska Warfaafinta Gobolka Qoraxeey wuxuu dhammaan bulshada ku nool Gobolka Qor...
23/09/2026

DIGNIIN KU SAABSAN KHATARTA FATAHAADAHA

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Qoraxeey wuxuu dhammaan bulshada ku nool Gobolka Qoraxeey ku wargelinayaa in la galay xilli roobaad, iyadoo saadaasha cimiladuna tilmaamayso in xilligan la filayo roobab.

Sidaas darteed, bulshada waxaa looga digayaa inay si gaar ah uga taxaddaraan goobaha biyomareennada ah, togagga, laagaha, farqaha iyo marinnada biyaha, maadaama roobabka xooggan ay sababi karaan fatahaado iyo qulqullo biyo oo degdeg ah.

Waxaa bulshada lagu boorrinayaa:

- In laga fogaado togagga, laagaha iyo goobaha biyuhu maraan xilliyada roobabka.
- In aan la degin ama lagu hakan meelaha hoose iyo marinnada biyaha.
- In waalidiintu si gaar ah ula socdaan carruurta, kana ilaaliyaan goobaha khatarta ah.
- In xoolaha laga fogeeyo meelaha togagga iyo biyomareennada ah marka roobabku da’ayaan.
- In la raaco digniinaha iyo talooyinka ay soo saaraan hay’adaha ay khusayso.
- In bulshada ay si degdeg ah ugu wargeliso masuuliyiinta haddii ay arkaan xaalad halis ah.

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Qoraxeey wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah inta lagu jiro xilliga roobaadka, si looga hortago khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhalan kara fatahaadaha.

Badbaadada bulshada waa masuuliyad wadajir ah.

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Qoraxeey

Degmada shilaaboWaxaa manta qabanay shaacinta sanad miisaniyadeedka 2019 ee degmada shilaabo oo dhan 330,775,628(sadex b...
20/09/2026

Degmada shilaabo

Waxaa manta qabanay shaacinta sanad miisaniyadeedka 2019 ee degmada shilaabo oo dhan 330,775,628(sadex boqol iyo sodon milyan todobo boqol todobatan iyo shan kun lix boqol labatan iyo sideed birr)
Miisaniyadas oo 72% mushahar ah
22% mashariicda horumarined
6% hawlfulin
Sido kale miisaniyadan ayaa 102,605,790 (boqol iyo labo milyan lix boqol iyo shan kun todobo boqol iyo sagaashan birr ) kamid ah laga so saari doona dakhliga gudaha ee degmadaha shilaabo

Maanta waxaan gaaray Degmada Caleen, halkaas oo aan si rasmi ah ugu wareejiyay shaqadii iyo masuuliyaddii degmada Maamul...
19/09/2026

Maanta waxaan gaaray Degmada Caleen, halkaas oo aan si rasmi ah ugu wareejiyay shaqadii iyo masuuliyaddii degmada Maamulka Cusub ee Ku-meel-gaarka ah, kaas oo hoggaamin doona maamulka iyo adeegyada bulshada ee degmada.
Munaasabadda soo dhaweynta waxaa ka qayb galay Madaxa Arrimaha Siyaasadda Gobolka Qoraxey, Mudane Farxaan Ikhyaar, iyo Guddoomiyaha Degmada Shilaabo, Mudane Faarax Xaaji Maawel.
Maamulka cusub waxaa si diirran u soo dhaweeyay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo shacabka Degmada Caleen, kuwaas oo muujiyay taageero, kalsooni iyo soo dhaweyn wanaagsan.
Waxaan u rajaynaynaa Maamulka Cusub guul iyo xilkasnimo, iyagoo si hufan uga soo bixi doona masuuliyadda loo igmaday, kana shaqayn doona horumarka degmada, tayeynta adeegyada bulshada, nabadgelyada iyo wada-shaqayn miro-dhal ah.
Ilaahay ha u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, hana u horseedo Degmada Caleen horumar iyo barwaaqo.

Hoolka Shirarka Ee MM Shilaabo waxaa Maanta Ka Qabsoomay Shir Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhammaanba Bulshada Magaalada shilaab...
19/09/2026

Hoolka Shirarka Ee MM Shilaabo waxaa Maanta Ka Qabsoomay Shir Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhammaanba Bulshada Magaalada shilaabo Kaasoo Ajandihiisu ahaa:-
1- Wacyigalinta Bulshada
2- Fahamka Guud Ee Nidaamka Qaabdhismeedka Cusub Ee MM Shilaabo
3- Bixinta Waajibaadka Dakhliga
Waxaa Shirka Ka Soo Qaybgalay Masuuliyiin Ay Kamid Yihiin Maayarka Magaalada Shilaabo Madaxa Arimaha Siyaasada Gobolka Qoraxey Iyo Gudoomiyaha Dagmada Shilaabo

Gabagabadiina Waxaa Maamulka Iyo Bulshadu Isla Qaatay In Laga Wada shaqeeyo Horumarinta Magaalada shilaabo

Address

Shilabo
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Maamulka Degmada Shilaabo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share